Xeerarka uyaala shirkadda DOLLARSOM
- Qof kasta oo iska diiwaangeliya Dollarsom Affiliate Network wuxuu ogolaanayaa inuu raaco xeerarka iyo nidaamka shabakadda.
- Affiliate-ku waa inuu si sharci ah oo anshax leh u xayeysiiyo alaabada, mana ogola in la isticmaalo khiyaano, macluumaad been ah ama qiimo khaldan.
- Lama ogola isticmaalka spam, fariimo qasab ah, ama faafinta link-yada si dhib u keeni kara sumcadda shirkadda.
- Komishanka waxaa la bixinayaa kaliya marka iib dhab ah oo la xaqiijiyay uu dhaco, shirkadduna waxay bixisaa lacagta komishanka laba jeer bishii: taariikhda 7-aad iyo 21-aad.
- Lacag-bixinta waxaa la sameyn doonaa marka komishanka affiliate-ku gaaro ugu yaraan $25 (minimum payout). Haddii uusan gaarin $25, waxaad sugi doonta inta aad kabuuxinayso shuruudda.
- Haddii alaab aad xayeysiisay iibkeeda lasoo celiyo (product return) ama la kansalo, komishanka la xiriira alaabtas waa la joojin karaa ama laga jari karaa.
- Affiliate-ku waa mas’uul ka ah ilaalinta sumcaddiisa iyo tan Dollarsom marka uu suuq-geynayo alaabada.
- Shabakadda waxay xaq u leedahay inay joojiso ama xayirto xisaab kasta oo kujirta affiliate-ka balance-kiisa hadii affiliateka jebiyo mid kamida shuruudaha.
- Dollarsom waxay xaq u leedahay inay cusboonaysiiso ama wax ka beddesho shuruudaha wakhti kasta iyadoo ogeysiis la siinayo xubnaha.
